farabadan

Taliyihii Booliska Gobalka Baay Oo Ladhaawacay

 

 

 

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Baay Korneyl Mahad Cabdiraxmaan ayaa maanta ku dhaawacmay Weerar Gaadmo ah oo ay kuqaadeen Ciidamo Katirsan Al-Shabaab kadib markii ay waddada u galeen ciidamada dowladda oo  ka yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay wadihii Gaariga uu lasocday taliyaha booliska ee gobolka Baay halka dhaawacyao farabadan lasoo sheegayo in ay ka dhasheen weerarkii lagu qaaday kolanyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyaha Gobalka Baay.

Ciidamada ayaa weerarka lagu qaadday xilli ay marayeen deegaanka Yaaq- Bariweyne oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose sida ay warbaahinta  u sheegeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Baay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidanku ay iska caabbiyeen weerarkii kooxda shabaab ay ku qaadeen gaadiidkii taliyuhu uu lasocday